U bood dhigaalka

Rag Lagu Eedeeyay Xaalufinta Dhirta Oo Lagu Qabtay Qardho, Bari

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliiska Degmada Qardho ee gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay rag la sheegay iney ku howlanaayeen xaalufinta dhirta.

Taliyaha saldhiga degmadaasi,  Abshir Maxamed Cabaas ayaa u sheegay Goobjoog News, in ay sii wadidoonan howlgalka ka dhanka ah shaqsiyaadka jara dhirta.

Waxa uu tilmaamay taliyaha in marar badan ay digniin siiyeen dadka dhuxusha shita, hase ahaatee ay ka madax adeegeen.

Ragga ay hadda gacanta ku hayaan ayuu sheegay iney cadaaladda horgeyn doonaan, inkastoo aanu tiradoodu sheegin.

“Rag badan ayaanu qabannay iyaga oo ku howlan xaalufka dhirta, wey xiran yihiin, kuwo kalena waan ku raad joognaa, hadde cadaaladda ayaa la marsiin doonaa” ayuu yiri taliyaha.

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa marar badan gacanta ku dhigay rag la sheegay iney ku howlanaayeen xaalufinta dhirta.

Goobjoog News