U bood dhigaalka

Rag Lagu Tuhmayo Al-shabaab Iyo Miinooyin Lagu Qabtay Magaalada Kismaayo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

KismaayoHay’adda Nabad Sugidda maamulka KMG ee Jubba ayaa sheegay in magaaladaasi ay kusoo qabteen in ka badan 130 qof oo lala xiriirinayo Al-shabaab iyo sidoo kale Miinooyin.

Saraakiisha Hay’adaan ayaa tilmaamay in howlgalo maalmo badan qaatay ay ku qabteen dadkaan, sidoo kalena Miinooyinka qaar laga soo faagay wadooyinka, halka kuwo kalena ay sheegeen in dad waday lagu qabtay.

Howlgalkaan ayaa ka dhacay dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale saraakiisha Hay’adda Nabad Sugidda Maamulka KMG ee Jubba sheegeen in dadkaan la qabtay Maxkamad lasoo taagi doono.

Dhanka kale weli waxaa gacanta maamulkan ku jira rag badan oo horay loo soo qabtay, kuwaa oo ilaa iyo xilligaan aanay jirin wax maxkamad ah oo lasoo taagay.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News