U bood dhigaalka

Rag lala xiriirinayo Al-shabaab oo laga qabtay nawaaxiga Buur hakaba

Sheeko:Dalka
Degmada Buur hakaba, Gobolka Baay
Degmada Buur hakaba, Gobolka Baay

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa howl galka midowga Afrika ee AMISOM ayaa rag lala xiriirinayo xarakad Al-Shabaab ku soo qabtay howl gal ay ka sameeyeen nawaaxiga degmada Buur hakaba ee gobolka Baay.

Guddoomiye ku xigeenka maamulka degmada Buur hakaba ee gobolka Baay Xuseen Maxamed Cali ayaa sheegay in howl galka ay ka sameeyeen tuulooyin ku dhow dhow degmada Buur hakaba ee gobolka Baay ay ku soo qabteen rag lasheegay in ay udagaalamayeen xarakada Al-Shabaab.

Waxa uu intaasi raaciyay in ragan oo gaaraya ilaa todobo ruux ay u gudbiyeen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay si loo baaro.

Hoos ka dhageyso codka Xuseen Maxamed Cali: