U bood dhigaalka

Rag Lala Xiriirinayo Ururka Daacish Oo Lagu Xukumay Baydhabo

Sheeko:Dalka

Maxkamadda ciidamada qalabka sida qeybta 60-aad ee gobolka Baay ayaa maanta oo Sabti ah waxay xukun ku riddey 4 ruux oo la sheegay inay ka tirsanyihiin ururka Daacish.

Xukunkan ayaa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana raggani dhowaan lagu soo qabtay howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen magaaladaasi.

Gudoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Baay Adan Abukar Maxamed ayaa sheegay in raggaasi qofkiiba lagu riday 10 sano oo xabsi ah.

Dadka la xukumay waxaa ku jira C/casiis Xasan Mursal oo la sheegay inuu yahay wakiilka Daacish ee magaalada Baydhabo, sidoo kale ragga kale ee la xukumay ayaa kala ah Mahad Nuur Siidow oo la sheegay in Daacish u qaabilsanaa Qaraxyada, Maxamed Sheekh Maxamed iyo Cali Maxamed Gaabow oo isna la sheegay in Daacish u qaabilsanaa dilalka qorsheysan.

Taliska Nabad sugidda magaalada Baydhabo ayaa 2-dii bishan waxay magaaladaasi kusoo bandhigeen raggaan oo lagu soo qabtay howlgallo laga sameeyay Baydhabo.

Goobjoog News