U bood dhigaalka

Rag Lala Xiriirinayo Ururka Daacish Oo Weerar Ku Qaaday Hotel Ku Yaalla Masar

Sheeko:Dalka

Saddex ruux ayaa  ku dhawacmay  kadib markii laba qof oo la tuhunsanyahay  in ay ka tirsanaayeen IS ay xoog ku galeen Hoteelku yaalla magaladda loo dalaxiiska tago ee Hurghada ee dalka Masar.

Dadka weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay midiyo ku hubeysnaayeen  waxaana waardiyaha hoteelka la weeray ee Bella Vista  u suurta gashay in ay toogtaan ragga weerarka geystay kadib markii ay mindiyo la dhaceen Laba dalxiise oo u dhashay dalka Austria iyo muwaadin reer Sweden ahaa.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta u sheegay in dadka weerarka soo qaaday ay doonayeen in ay afduubtaan dalxiisayaasha, waxaa la arkayey sida ay ku warameen dad Hoteelka ku sugnaa iyaga oo kor u taagaya calanka IS.

Booliiska dalka Masar ayaa wali goobaya weerar yahanno looga shakisanyahay in ay qorsheeynayaan weeraro dheeraad ah.

Deegaanka uu ku yaallo hoteelka la weeraray ee Hurghada  ayaa wali ku sugan xaalad  heegan ah iyadoo dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa ka baxaba ay xiranyihiin.

Bella Vista Hotel ayaa ah hoteel caan ku ah dalxiisayaasha ajaanibta ah, kuwaas oo dalka Masar lacag badan soo geliya.

Dowladda Masar ayaa dagaal ba’an kula jirta islaamiyiin ka dhisan jasiiradda Sinai, oo ay ku jiraan dagaal yahannada IS, kooxdaas oo sheegatay soo rididdii diyaaradii dalka ruushka laga lahaa, taas oo soo dhacday October 2015, xiligaas oo ay naftooda ku waayeen dad gaaraya 224 ruux.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda  UK ayaa sheegay in ay baaritaan ku hayaan waxa ka dhacay Hurghada.

Goobjoog News