U bood dhigaalka

Raggii Lagu Helay Kiiskii Caa’isha Ilyaas Oo Qaarkood Maanta La Toogtay

Sheeko:Amniga

Labo ka mid ah xukumanayaashii loo heystay Gabdhii dilka iyo kufsiga loogu geystay magaalaada Gaalkacyo ee gobalka Mudug ayaa saakay lagu toogtay fagaare ku yaalla magaalada Boosaaso ee gobalka Bari.

Labada xukunsane ee la toogtay ayaa lagu magacaabi jiray Cabdifataax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdishakuur Maxamed Dige, halka toogashadiisa dib loo dhigay Cabdisalaam Cabdiraxmaan Warsame ka dib markii aabaha dhalay Caa’isha Ilyaas uu sidaasi dalbaday waxaana dib loo dhigay muddo 10 cisho ah.

12-kii May sanadkii 2019 ayey maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal waxa ay raggaani ku xukuntay dil toogasho ah halka maxkamada racfaanka 30-kii Juun ee isla sanadkaas ay ku raacday xukunka maxkamadda darajada 1-aad.

Dhanka kale 25-kii Augsust ee 2019-kii ayey sidoo kale maxkamada sare ee Puntland waxa ay ayiday xukunka toogashada ah ee lagu riday raggii ka dambeeyay dilkii iyo kufsigii waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Allaha u naxariistee Caa’isha Ilyaas Aadan.

25-kii Febaraayo ayaa Caa’isha Ilyaas oo maalin ka hor la weysanaa waxaa meydkeeda laga helay xaafad ka mid ah Waqooyiga magaalada Gaalkacyo, waxaana markaas jirkeeda ka muuqday jirdil ba’an oo loo geystay.

Goobjoog News