U bood dhigaalka

Ra’iisal wasaaraha Ingiriiska Liz Truss oo is Casishay, Kadib 45 Maalmood oo Xilka ay Heysay

Sheeko:Caalamka

Ra’iisulwasaaraha Uk haweenayda lagu magacaabo  Liz Truss ayaa si lama filaan ah isaga casishay xilka ra’iisul wasaaraha, kadib 45 maalmood oo kaliya oo ay haysay jagadaas, waxaana warar kale duwan ay kasoo baxayaan sababaha keentay in ay iskacasisho xilka oo ay heysay muddo bil iyo dhowr cisho ah.

Ra’iisul wasaaraha, ayaa sheegtay in qofka bedeli doona lagu dooran doono tartanka hoggaanka, oo la dhameystiri doono toddobaadka soo socda, Xildhibaanada ayaa waxay ku booriyeen Truss inay ka laabato waxyaabaha sababay qalalaasaha siyaasadeed, taas oo keentay in ay la kulanto dhaleeceen.

Truss ayaa waxaa doortay xubnaha xisbiga muxaafidka ah bishii Sebtembar, laakiin waxay lumisay kalsoonida, ka dib markii ay la timid is badal fara badan, Khudbad kooban oo ay ka jeedisay bannaanka xafiiska Downing Street, waxay ku sheegtay in xisbiga Conservative-ku ay doorteen xilli jahawareer dhaqaale uu jiro.

Waxayna muujisay in aaney wax ka qaba Karin howlaha horyaalla. Truss ayaa sheegtay inay xilka sii heyn doonto, illaa qofka badali doona uu si rasmi ah ula wareegayo hoggaanka xisbiga, waxaana ay la kulantay dhaleen badan oo kaga timi xildhibaannadii ay isku xisbiga ahaayeen ee horay codka u siiyay.

Goobjoog News