U bood dhigaalka

Ra’iisal wasaare Cabdi weli oo xilalka ka qaaday taliyaasha laamaha ammaanka

Sheeko:War

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdi Weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xilalkii ka qaaday taliyayaasha ciidamada booliiska iyo nabad sugidda una magacaabay taliyayaal cusub.

Wasiirka warfaafinta iyo hanuuninta dad waynaha xukuumada federaalka Soomaaliya , Musftaf Sh. Cali Dhuxulow oo shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay wasaaradda warfaafinta ayaa sheegay in is badal wayn lagu sameeyay laamaha amniga dowladda federaalka Soomaaliya, kadib weerarkii ay xarakada Al-shabaab xalay ka gaysteen xarunta madax tooyada qaranka Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Sheekh Xasan Ismaaciil, waxaana xilkaasi laga qaaday Generaal Saacid Taliyihii hore, Agaasimaha Hay’adda Nabadsugida qaranka ayaa isna waxaa loo magacaabay inuu kusime sii ahaado Maxamed Cabdullaahi Xasan Xaamud.

R/wasaaraha ayaa faray wasiirka Amniga Qaranka inuu fuliyo amarkan islamarkaana uu si dhaqsa ah uga howlgalo sugidda amniga Qaranka, isagoo dhinaca kale hogaaminta booliiska iyo nabadsugida ku amray iney si adag oo dhiifoon u fuliyaan howshooda.
Wixii ka dambeeyay markii Cabdi Kariin Xuseen Guuleed uu xilka wasaaradda amniga iska casilay, waxaa xilkaasi Ku sime kasii ahaa Wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Soomaaliya muddo 40 maalmooda ayeeyna ku qaadatay dowladda magacaabista wasiirka amniga qaranka.

Wararka Goobjoog news