U bood dhigaalka

Ra'iisal Wasaare Cabdiweli oo ku sii jeeda Baydhabo

Sheeko:War

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli SHeekh Axmed ayaa maanta lagu wadaa in uu gaaro magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban qaabada soo dhowaynta mudane  Cabdiweli SHeekh ayaa ka socota garoonka diyaaradaha  Baydhabo, halkaas oo ay ku sugan yihiin mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka.

Amaanka ayaa si wayn loo adkeeyay iyadoo ay garoonka diyaaradaha iyo wadooyinka soo gala  ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM.

Ra’iisal wasaaraha ayaa ka soo kicitimaya dalka Kenya, halkaasoo uu ku sugnaa maalmihii u dambeeyay.

Mudane Cabdiweli SHeekh ayaa toddobaadkii tegay magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir wayn oo looga hadlayay qaxootiga Afrika oo ay Soomaalidu ka mid tahay.