U bood dhigaalka

Raiisalwasaare Kheyre iyo Wafdi uu Hugaaminayay oo Maanta Gaaray Garowe

Sheeko:Dalka

 Ra’iisul Wasaaradaha Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya  Xasan Cali Khayre iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Garoowe, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay  Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni

Soo dhoweynta weftiga Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa qayb ka ahaa Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, xubno ka tirsan Golayaasha Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Deni oo soo dhoweeyey Weftiga Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS ayaa ka hadlay muhiimadda Shirka wadatashiga ee Puntland martigelinayso.

“Waxaa maanta sharaf wayn noo ah, iyadoo maalin Jimce ah ay tahay inaan ku soo dhawayno Garoonka Gen, Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo Wafdi ballaaran oo la socday, iyadoo maalinta berri ah haddii Alle ka dhigo uu ka billaaban doono shir wadatashi ah Garoowe oo ay yeelan doonaan Madaxda DFS iyo Madaxda Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS

Goobjoog News