U bood dhigaalka

Ra’iisalwasaare Rooble oo La Kulmay Xildhibaannada Banaadiriga Ee Muqdisho Lagu Doortay

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa casho sharaf u sameeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Banaadiriga 11-aad kusoo baxay ee Beelaha Banaadiriga, oo dhowaan la doortay.

Casho sharafta ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa guddigii qabtay doorashada, Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa warbixinno ka dhageystay Guddiyada uu la kulmay hannaanka ay u socdaan doorashooyinka dalka, kuna bogaadiyey inay dardargaliyaan.

Xildhibaannada Banaadiriga ayaa maalinmadii Jimha waxaa lagu doorta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana xidhibaannada la doortay ay Beelaha Banaadiriga ku matali doonaan Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuriyadda federalka ah.

doorashada golaha shacabka ayaa waxaa ay marayaan heer gabagabo ah, waxaana la doortay xildhibaannadii ugu badnaa ee golaha shacabka walow ay wali dhiman yihiin deegaan doorashooyin uu ka mid yahay gobolka Gedo oo wali xal laga gaarin.

Goobjoog News