U bood dhigaalka

Ra’iisul  Khayre“Waxaa Guul U Rajaynaynaa Xulkeena Oo Wajahaya Dhigooda Ethiopa”

Sheeko:Cayaaraha

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay ciyaaryahanada 23-jirada dalkeena Soomaaliya oo maanta la dheelidoona dhigooda Ethiopia kulan ka tirsan is reeb reebka ciyaaraha olimikada aduunka oo lagu qabandoono wadanka Jaban

“Waxa aan guul u rajaynayaa xulkeena kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhigooda Ethiopia,dhamaan shacabka,mas’uuliyeenta iyo qarankaba way idin garab taaganyihiin”waxaa sidaas lagu soo qoray barta twitter-ka ee xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre

Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Iskaashiga Caalamiga dowlada Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa isna xalay kulan dhiiri gelin ah magaalada Addis Abba ee Ethiopia kula qaatay ciyaaryahanada iyo tabarayaasha matalaya Soomaaliya,isagoo sheegay in laga sugay natiijo wanaagsan madaxda dowladana ay garab taaganyihiin xulka

Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa iyadana barteeda twitter-ka kusoo qortay qoraalkan “Xulka Qaranka 23-Jirada ka yar guul baan u rajeynayaa ciyaarta manta Inshaa Alla”

Dowlada ayaa garab istaag iyo soo dhaweyn u samaysay xidigaha 17-jirada ee kaalinta labaad ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee  ka dhacay dalka Burundi Bishii April 2018

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle