U bood dhigaalka

Ra’iisul W. Cabdiwali: “Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiska taariikhiga ah ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe”

Sheeko:War

Muqdisho, 30, luuliyo, 2014… Ra’iisul Wasaare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa galabta heshiis taariikhi ah oo maamul loogu dhisayo gobollada dhexe ee Soomaaliya ugu qabatay magaalada Muqdisho ergooyin ka socday Maamullada Galmudug, Ximan iyo Xeeb, Ahlusunna Wal-jamaaca, iyo Hoggaamiyaal dhaqan, waxaana heshiiska goob-joog ka ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Xubnaha labada gole ee dowladda, hoggaamiyayaasha dhaqanka, bulshada qaybaheeda kala duwan, siyaasiyiin Safiirro, iyo wakiillo ka socday beesha caalamka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Mudane C/laahi Goodax Barre ayaa akhriyay heshiis ka kooban 11 qodob oo lagu wajahayo dhismaha maamul loo dhanyahay oo yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in heshiiskan uu dhabaha u xaarayo xal laga gaaro maamullada yar-yar ee ka jira gobollada dhexe, loogana gudbayo maamul goboleed ay ku midaysan yihiin dadka dega deegamadaas, waxaana intaasi kaddib qalinka lagu duugay Heshiiska oo ay saxiixeen xubno ka socday Galmudug, Ahlusunna, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo goobjoog ahaan u saxiixay.

Hadalo kooban oo garabyada heshiishka gaaray ay madasha ka jeediyeen ayey ku balan qaadeen inay ka dhabayn doonaan hirgelinta heshiishkan, iyagoo dowladda Soomaaliya iyo beesha Caalamka ka codsaday inay garab istaagaan geeddi-socodka nabadda iyo dhamaystirka maamulka Gobollada Dhexe.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa ku tilmaamay heshiiska ay gaareen dhinacyadu inuu yahay horrumar iyo tallaabo wanaagsan oo loo qaaday dhanka dib-u- heshiisiinta iyo asaaska nidaam federaal ah oo ay yeelato Soomaaliya, waxaana uu ku ammaanay Masuuliyiinta maamullada gobollada dhexe doorkii hogaamineed ee ka qaateen in maanta la gaaro heshiis lagu unkayo maamulka bartamaha Soomaaliya oo ka kooban Mudug iyo Galgauduud.

“Maanta waa maalin kale oo macne ku yeelan doonta mustaqbalka, dowladnimada, nabadda iyo horumarinta Soomaaliya, Xukuumaddaydu waxay soo dhaweyneysaa heshiiskii taariikhiga ahaa ee galabta gaareen maamulladii ka jiray gobollada dhexe iyo hoggaamiyaashii dhaqanka, waxaan sii wadi doonaa dhiiri gelinta iyo taageerada heshiiska”

“Xukuumaddu waxay diyaar u tahay inay qeyb ka qaadato hirgelinta iyo dhamaystirka heshiiskan oo bilow u ah horumar waara oo laga gaaro maamulladii kala duwanaa ee ka jiray bartamaha Soomaaliya, heshiiskan wuxuu dhabaha u xaari doonaa Maamulka KMG ah oo ay ku midaysan yihiin dadka deegaanku” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo gunaanadkii munaasabadda ka hadlaya ayaa soo dhaweeyay heshiiska, waxaana uu boggaadiyay dhinacyadii heshiiska gaaray oo uu tilmaamay inay u gudbayaan samaynta maamul ay dadku u dhanyihiin.

“Maanta waxaan asaaska u dhigaynaa maamul ay yeeshaan gobollada dhexe oo xaqiijin doona himilooyinka shacabkeenna. Dhammaan xubnaha dowladdu oo ugu horreeyo Ra’iisul Wasaare Cabdiweli waxay kaalin weyn ka qaateen in aan maanta halkaan soo gaarno, sidoo kale waxaa arrintan kaalin weyn ka qaatay siyaasiyiinta iyo odayaasha dhaqanka oo ugu horeeyaan Galmudug, Ximan iyo Xeeb iyo Ahlusunna” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

“Hawshan waa bilow weli ma dhammaan markaa waa in laga wada shaqeeyaa hirgelinta heshiishkan. Beesha caalamka waxaan ka codsanaynaa inay garab istaagaan xilligan aan ku jirno dadaalka aan dib ugu yagleelayno dhismaha dowladnimada iyo nabadda Soomaaliya”

Madaxweynaha ayaa dhanka kale sheegay heshiiska ay maanta gaareen dhinacyadu in uusan waxba u dhimi doonin maamullada jira sida Puntland oo qeybo kamid ah ay daris yihiin.

Wakiilada goob-joogga ka ahaa heshiishkan ee ka socday beesha caalamka sida Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, Urur Goboleedka IGAD, Midowga Europe ayaa dhammaantood si weyn nu soo dhoweeyey heshiishkan , iyagoo balan-qaaday inay taageero ku bixinayaan hirgelinta heshiishkan.

 

—-DHAMAAD—