U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Britten Oo Sheegay Inuu Iska Casilayo Xilkaasi

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha dalka Britten David Cameron ayaa ku dhawaaqay in bisha October ee sanadkan uu iska casili doono xilkaasi kadib markii shacabka  dalkiisa u codeeyeen in aysan kasii mid ahaan Midowga Yurub.

Cameron ayaa hadal uu ka jeediyey bannaanka kore ee hoygiisa waxa uu ku sheegay in isaga shaqsi ahaan uu go’aansaday inuu ka tago xilkaasi, islamarkaana loo baahan yahay hoggaan cusub.

Sababta arrintan ayuu ku sheegay shacabkiisa oo ka codbadiyey maadaama isaga uu u ololeeynayey in Britten ay kasii mid ahaato reer Yurub.

Afti dadweyne oo la qaaday shalay oo Khamiis ahayd ayaa waxaa si horudhac ah loogu sheegay in shacabka Britten ay u codeeyeen in aysan kasii mid ahaan Midowga Yurub.

Goobjoog News