U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Iyo Wafdi Uu Hoggaaminayo Oo Soo Gaaray Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo degtay diyaarad sidday Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay Ra’iisul wasaaraha Itoobiya iyo wefdiga la socda.

Waxaa Hailemariam loo galbiyey halka lagu qabanayo shirka madaxda wadamada ku bahoobay IGAD.

Waxaa la filayaa in goor dhow sidoo kale magaalada Muqdisho ay soo gaaraan madaxda dalalka kale ee ka tirsan IGAD.

it1 it

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News