U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Gaaray Asmara 

Sheeko:Dalka

Goor dhow waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Asmara cago dhigatay diyaaraddii sidday ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya iyto wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo.

Abiy Axmed ayaa soo dhoweyn heer sare ah waxaa loogu sameeyey Asmara, waxaana soo dhoweeyay madaxweynaha dalkaasi Isaias Afwerki.

Madaxda Labadan dal ayaa ka wadahadli doona arrimo ku aaddan xiriirkooda, ammaaanka, dhaqaalaha, dib u heshiisiinta iyo arrimo kale.

Booqashadan oo ah mid taariikhi ah ayaa waxaa Abiy ku wehlinaya mas’uuliyiin sare oo dalkaasi ah, waxaana ay ka wadahadli doonaan arrimo aad u muhiim ah.

1998 Labadan dal waxaa dhexmaray dagaal lagu hoobtay oo socday muddo Labo sano ah, waxaana wixii xilligaasi ka dambeeyey meesha ka baxay xiriirkii Labada dal.

Abiy ayaa noqonaya Ra’iisul wasaare Itoobiyaan ah midkii ugu horreeyey ee booqda Asmara muddo 20 sano ah kadib, waxaana muuqaneysa in Itoobiya ay soo afjareyso colaadihii dhan walba kaga furnaa.

Goobjoog News