U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Iyo Guddiga Doorashada Oo Ku Kala Argti Duwan Halka Lagu Qabanayo Doorashada Dadban Ee Somaliland

Sheeko:Dalka

Qoraal uu soo saarey Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, kuna socday guddiga doorashada dadban heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo kan xallinta khilaafaadka ayaa wuxuu ku codsadey in la tixgeliyo soo jeedintii Odoyaasha dhaqanka ee beelaha Dirta Waqooyi, kuna saabsanaa in doorashooyinkooda lagu qabto Xerada Xalane.

Waxa uu Ra’iisul wasaaraha ku sheegay qoraalkiisa in iyadoo laga ambaqaada go’aanka kasoo baxay Odoyaasha dhanka, lana tixgeliyo ahmiyadda ay leedahay dareenka ay Odoyaasha muujiyen ee ah iney ku kalsoonyihiin doorashada iney ka dhacdo xarunta Xalane ay haboon tahay in la tixgeliyo codsigooda.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa xiriir ay la sameysay xubno ka tirsan guddiga doorashada waxay sheegeen in ka guddi ahaan ay aad ugu kalsoonyihiin in doorashada beelaha dega gobollada Waqooyi ay ka dhacdo xerada Gaadiidka, degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho.

Waxay sheegeen in qarash badan ay geliyeen halkaasi, islamarkaana doorashadaasi darteed u diyaariyeen meello badan, sida howlka shirarka, iyo ilaalinta amniga.

Hoos ka akhriso qoraalka Ra’iisul wasaaraha

cumar

Goobjoog News