U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Oo Madaxda K/galbeed Ku Booriyey Iney Ku Shaqo Bilaabaan Baraawe, Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ku booriyey mas’uuliyiinta maamulka K/galbeed iney ku shaqo bilaabaan degmada Baraawe ee Shabellaha Hoose, maadaama ay tahay xaruntii maamulkaasi.

Kheyre oo shalay tagey Baraawe ayaa sheegay in magaaladaasi ay tahay mid aad u muhiim ah, taariikh badanna ku leh dalka.

Waxa uu sheegay sidoo kale Ra’iisul wasaaraha in la dhisi doono garoonka diyaaradaha ee Baraawe, mashaariic kalena ay ka fulin doonaan magaaladaasi.

“Waxaan idiin kugu nimid inaan garoonka dhagax dhigno si loo bilaabo dhismaha, waxaan idiin kugu nimid in madaxweynaha dowlad goboleedkiina iyo madaxda dowlad goboleedka kulli inaan ku dhiiro gelinno iney usoo guuraan magaala madaxda Baraawe” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Kheyre.

Ra’iisul wasaaraha ayaa dhanka kale soo hadal qaaday dagaallada ka dhan ah Al-shabaab, wuxuuna sheegay in shacabka ay diyaar u yihiin iney la dagaallamaan cadowgooda, dowladana ay garab ku siin doonto.

“Waan ognahay inaad diyaar u tihiin inaad cadowga iska difaacdaan, laakiin ma idin ku deyneyno kaligiin, waan idiin garab istaageynaa waan idiinla difaaceynaa, ciidan idin ka tagaya malahan”

Degmada Baraawe ayaa xarun u ah maamulka K/galbeed, hase ahaatee weli maamulkaasi kuma aanu shaqo bilaabin, iyadoo dib u dhiska degmadaasina ay socoto.

Goobjoog News