U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha Oo Safarkiisii Ugu Horreeyay Ku Aaday Dalka Qadar

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta oo Sabti ah wuxuu safarkiisii ugu horreeyay ee dibadda ah tan iyo intii loo magacaabay xilkaan wuxuu ku aaday magaalada Doxa ee dalka Qadar.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa safarkaan ku wehlinaya Ra’iisul wasaaraha, wuxuuna dalkaasi kaga qeybgali doona shirka Doxa Forum oo maalinta Berri ah ka furmi doona magaaladaasi.

Shirkan oo socon doona Labo maalin ayaa waxyaabaha looga hadlayo waxaa kamid ah, arrimaha dhaqaalaha iyo qaxootiga.

Shirkan waxaa ka qeybgali doona madax dhowr ah oo halkaasi lagu casuumay, waana shir sanadkiiba mar la qabto.

Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa dalka Qatar kula kulmi doona mas’uuliyiinta dalkaasi iyo sidoo kale madax kale oo shirka Doxa Forum kasoo qeybgali doona.

Goobjoog News