U bood dhigaalka

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya iyo Madaxweyne Gaas oo Shir jaraa'id Garoowe Ku qabtay

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cabdiwali Shiikh Axmed iyo wafdi u hoggaaminayo oo maanta duhurkii soo gaaray magalada Garowe xarunta dowladda Puntland ayaa ka mahad celiyay soo dhawaynta diiran ee shacabku u sameeyeen ka dib markii uu saxafadda isaga iyo madaxwayne Gaas madaxtooyadda kula hadleen.

Madaxwanaha Puntland Dr.Cabdiwali Cali Gaas ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horaysay uu Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Shiikh Garowe yimaado ayna ka wada hali doonaan arrimo badan oo u dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka.

Inkastoo Gaas uusan saxafadda faah faahin badan ka siin inay ka wada hadli doonaan khilaafka u dhaxeeya iyo sida lagu xalin karo asagoona raja ka muujiyay wax kasta oo Maamulka Puntland uu ka tabanaayi Dowladda Federaalka la xallin doono booqashada ra’iisul wasaaruhuna noqoto mid xal iyo in la isku soo dhawaado sababta.

Wararka aanu ka helayno madaxtooyadda waxay sheegayaan labada masuul inay si hoose uga wada hadli doonaan dhamaynta khilaafka soo laalaabtay ee labada dhinac u dhaxeeya.

Wasiirka koowaad ee Xukuamdda Soomaaliya Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa sheegay socdaalka uu Garowe ku yimid inuu yahay safar shaqo oo la filayo inay kasoo baxaan natiijooyin wanaagsan, sidoo kale Cabdiwali ayaa madaxda iyo shacabka uga mahad celiyay sida wanaagsan ee ay magalo madaxda Puntland ugu soo dhaweeyeen.

Khilaaf xoogan ayaa u dhaxeeya Puntland iyo dowladda Federaalka kasoo ka dhashay markii hore wax ka badal lagu sameeyay dastuurka KMG ah ee dalka, dhaqaalaha magaca Soomaaliya lagu soo qaado  ayadoo maamulka Puntland  ay xiriirka u jartay markii Muqdisho lagu saxiixay heshiiska dhismaha mamulka gobalada dhexe ee dalka.

Hoos ka dhagayso Shirka jaraa’id