U bood dhigaalka

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Nairobi kula kulmay Xildhibaano barlamaanka ka tirsan

Sheeko:War

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa maanta la qaatay kulan qado ah oo ay ku kala war qaadanayeen xidhibaanada barlamaanka ee ku sugan magaalada Nairobi.

Kulankan qadada ah ayuu  ra’iisal wasaaruhu warbixin ka siiyo xildhibaanada xaalada dalka, iyo shirkii looga hadlayey qaxootiga Soomaaliya ee ka dhacay shalay magaalada Addis Ababa.

Ra’iisal wasaaraha ayaa uga mahad celiyey xildhibaanada barlamaanka sida ay u ajiibeen qado sharafta uu u sameeyay iyo wada shaqaynta wanaagsan ee ka dhaxaysa xukuumadda iyo goloha shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa u sheegay xildhibaanada in xukuumaddu ay qaaday talaabooyin lagu sugayo amniga, kuwaas oo laga gaaray natiijooyin wanaagsan, gacanta dowaladana uu soo galay hub faro badan oo si sharci daro ah lagu haystay.

“Xukuumadu waxay qaaday howl galo balaaran oo lagu sugayo amniga, waxaa la soo qabtay kooxo abaabulan oo ka tirsan nabad diidka, waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho laga fuliyay howl galo looga taqalusayo qolyaha xasilooni darida ka shaqeeya , taasoo  muujinaysa sida xukuumaddu ay uga go’an tahay ka dhabaynta balan qaadkeedii amniga” ayuu yiri RW Cabdiwali

DHanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa ka war bixiyay shirkii shalay ku soo dhamaaday  Addis-Ababa ee dalka Ethiopia, kaasoo looga hadlayay qaxootiga Soomaaliya, wuxuuna sheegay in sida looga soo qayb galay ay muujinayso in xukuumadda ay ka go’an tahay wax ka qabashada dhibaatooyinka soo noq noqday ee qaxootiga Soomaaliyeed ee ku nool wadamada deriska ah. Xukuumaduna ay dar-dar galinayso xasilinta dalka, si loo abuuro jawi nabadeed oo qaxootiga u saamixi kara in ay soo noqdaan.

Xildhibaanada ka hadlay madasha ayaa si isku mid ah u soo dhaweeyey howlgalada ay xukuumaddu ku sugayso amniga ee ka socda gudaha dalka, sidoo kale xildhibaada ayaa tilmaamay in qofka hubka haysta uu yahay cadowga nabada, loona baahan yahay in hubka laga dhigo shacabka si loo helo nabad laysku halayn karayo, barlamaankuna uu si buuxda u taageersan yahay howl galadaasi bilowga ah.

Ugu dambayntii ra’iisal wasaaraha ayaa ka codsaday xildhibaanada in ay sii laba-laabaan sida wanaagsan ay ula shaqaynayaan xukuumadda,” Dowladnimada Soomalaiya waxaa saldhig u ah in hubka laga sifeeyo dalka, waxaan idinka codsanayaa in aad gacan nagu siisaan. Waxaan u mahad celinayaa odayaal iyo xildhibaano aan kula kulmay magaalada Muqdihso, waxaana ka istaagnay mowqif isku mid ah howl galada soconaya.

 

**—DHAMAAD—**