U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray dhismaha xarunta wasaaradda ganacsiga

Sheeko:War

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan xubno ka tirsan golaha Wasiirada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray dhismaha xarunta Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeyay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeeray qeybaha kala duwan ee dhismaha Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha oo dayactir xoog leh lagu sameeyay, wuxuuna intaasi kaddib uu kulan la qaatay shaqaalaha Wasaaradda ganacsiga,waxaaana sidoo kale kulanka ka qeyb galay xubno ka tirsan labada gole ee dowladda.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warashadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Aadan Maxamed Nuur “Aadan Saransoor” oo kulanka ka hadlay ayaa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya faah-faahin ka siiyay dib u dayactirkan lagu sameeyay xarunta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashadaha.

Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa sheegay in muhiimad gaar ah ay dalka u leedahay Wasaaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, islamarkaana ganacsiga oo hagaaga uu la mid yahay wax soo saarka dalka oo sii xoogeysta taasina dalka uu ku gaarayo kobaca dhinaca dhaqaalaha ah.

Mudane C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa ku dhiira geliyay in ay sii xoojiyaan xoojinta dhaqaalaha dalka, isagoo kula dardaarmay in ganacsatada Soomaaliyeed inay badeecadaha ay dalka keenayaan ay noqdaan kuwa wax tar u leh bulshada Soomaaliyeed.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Marxaladihii ay soo mareen shaqaalaha Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay Wasaaradaha dalka in ay ku dadaalaan kor u qaadista iyo horumarinta.

Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan dib u dayactir lagu sameeyay waxaana dayactirkeeda uu socday muddo Saddex bilood ah sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Wasaaradaasi.

Wararka Goobjoog news