U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha: Wasiir Cabaas Wuxuu Ahaa Nin Wadani Ah Kana Dhex Muuqday Wasirada (Daawo)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaare Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida wasiirkii howlaha guud iyo guryeenta Cabaas Siraaji oo habeenkii xalay ahaa lagu dilay magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegar Ra’iisul wasaaraha inuu ahaa marxuumka nin dhallinyaro ah oo ku haminayey in dalka uu wax badan ka qabto, isaga oo Alle uga baryay inuu Jannada ku abaalmariyo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in wasiirka uu ahaa nin wadani ah, kana dhex muuqday golaha wasiirada, islamarkaana lahaa taariikh ay ku dayan karaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka

Goobjoog News