U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaaraha “Xukuumadda Waxay Abuuri Doontaa Mashruucyo Lagu Horumarinayo Beeraha”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in xukuumaddiisa ay sameyn doonto mashruuxyo la doonayo in lagu horumariyo beeraha.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in sidoo kale xukuumaddiisa ay sameyn doonto biyo xireenno si looga faa’ideysto xilliga jiilaalka.

“Si looga tabaabusheysto inay soo laabtaan abaaraha, xukuumadu waxay abuuri doontaa mashruucyo lagu horumarinayo beeraha iyo wax soo saarka, sidoo kalena waxay sameyn doontaa biyo xireeno, si looga faa’iideysto xilliga jiilaalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Dhanka kale Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka hadlay dhanka gurmadka abaaraha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muujiyeen isku tashi, isagoo tilmaamay in gurmadkani uu ka turjumayo soo noqoshada kalsoonidii ay isku qabeen bulshada Soomaaliyeed.

Dalka waxaa ka jirta abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxaa guray Labadii webi ee dalka marayay, iyadoo taasi ay xaaladda kasii darsiisay.

Goobjoog News