U bood dhigaalka

Ra’iisul wasaare Cabdiwali oo Caawa Nairobi ku sugan kuna sii jeeda Burundi

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo waftigii la socday ayaa caawa  lagu soo dhaweeyay magaalada Nairobi.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed  ayaa lagusoo waramayaa in halkaas ay kusoo dhaweeyeen mas’uulyiin uu ka mid yahay Safiirka Soomaaliya ee Kenya Cali Amerika.

Ra’iisul wasaaraha iyo wefdigiisa ayaa maalinta berrito ah ku sii jeeda dalka Burundi, halkaas oo ay uga qey-gali doonaan shir looga hadli doona amniga gobolka.

Ra’iisul Wasaare Cabdiwali Sheekh Axmed ayaa door muuqda ka  qaatay  heshiiskii ay maanta  dowlada Federaalka la saxiixatay Maamulka Puntland.