U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo soo xiray Aqoon is weydaarsi loo qabtay Barnaamijka hiigsiga cusub

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 30, September, 2014……. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta soo xiray aqoon-isweydaarsi saddexd maalmood ahaa oo magaalada Muqdisho loogu qabtay saamileyda barnaamijka Heshiiska Cusub ee heer gobol ilaa heer qaran. Aqoon-isweydaarsigani ayaa waxaa ka soo qaybgalay 180 qof oo ka socday Maamul Goboleedyada, Maamulada Gobolada, xubno ka socday bulshadas rayidka ah iyo ka-qaybgalayaal ka socday Wasaaradaha iyo Xafiisyada Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Ujeedooyinka ugu muhiimsan ee aqoon-isweydaarsigani ayaa ahaa in faham iyo aragti midaysan laga qaato barnaamijka Heshiiska Cusub, isla-markaana wadatashi lala yeesho dhammaan qaybaha waddanka oo dhan, waxana dadkii ka qaybgalay ay ka doodeen qaabkii loo hirgelin lahaa barnaamijkani oo la doonayo in uu noqdo mid la isla wada oggolyahay, loona dhan yahay.

Ka-qaybgalayaasha ayaa isla oggolaaday in loo baahan yahay in barnaamijkan loo dhaadhiciyo gobolada iyo degmooyinka dalka, iyagoo ku baaqay in Dawladda Federaalka ee Soomalaiya isku xidho qorshayaasha qaranka iyo kuwa maamulada gobolada. Waxaa kale oo la soo jeediyey in dadka Soomaaliyeed la gaarsiiyo muhiimadda uu xanbaarsan yahay Heshiishka Cusub iyo in Dawladda Soomaaliya ay arrinta isu-duwidda deeqaha kala shaqayso Maamul Goboleedyada jira iyo Maamulada Gobolada.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa xiritaankii shirkaasi ka hadlay, waxana uu sheegay in kulankan uu muujinayo in barnaamijkan uu yahay mid ay dadku wada leeyihiin, loona baahan in loo hawlgalo sidii loo hirgelin lahaa, iyadoo la abuurayo halbeegyo hufnaan iyo isla-xisaabtan ku dhisan.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo kulanka maanta ka hadlayey waxa uu yiri:

“Fadhigan waxa uu muujinayaa laba arrimood oo kala ah in dawladnimadeenii iyo midnimadeenii aan soo celin karno haddii aan sidaasi isugu immaano, iyo in dawladnimadeenu tii hore ka duwanaato, taas oo aan ula jeedo iney noqoto mid hoos laga soo dhiso ee ana kor laga keenin sida idinka muuqata.

“Barnaamijka Heshiiska Cusub waxaa naga go’an inaan u daadejino gobolada, sidoo kale maamulada waxaa laga doonayaa laftigoodu iney degmooyinka iyo gobolada kale gaarsiiyaan si uu u noqdo mid macluumaad waafiya laga haysto oo hufan”.

End