U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar: Ahmiyadda Koowaad Ee Dalka Waa Amniga

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in dalka Soomaaliya uu la qabo falalka amniga ka hor imaanaya dalalka reer Galbeedka.

Waxa uu sheegay Ra’iisul wasaaraha in dalka uu geli doono xaalado doorasho, loona baahan yahay in amniga dalka ay dowladda xoog iska saarto, waxaana uu intaa ku daray in dalka amni ku heli karo oo kaliya in la dhiso ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

“Waqtiga maanta aan mareyno waa mid ka duwan kii hore, waxaan mareynaa dagaal, feker xagjir ah oo kusoo wajahan dalkaan iyo dalal kale oo dunida ka tirsan ayna na sugeyso in ciidan la dhiso, waxaan u sheegayaa ciidanka in madaxa ay ku hayaan in dalkaan ahmiyaddiisa yahay amni, xoogga la saaro sidii dalkaan amnigiisa loola wareegi lahaa cadowgana loo jabin lahaa, aminga waxa uu sugmayaa markii aan dalkaan amnigiisa annaga la wareegno”

Ciidamada Soomaaliya ayaan haysan daryeel buuxa iyo qalab ku filan si ay ciidanka ajaaniibta ah dalka ugala wareegaan, xilli dowladda ay caalamka ka dalbatay in loo dhiso ciidanka xoogga dalka si amniga guud ee dalka u hantaan.

Ra’iisul wasaaraha xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa shalay tababar usoo xiray cutubyo kamid ah ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ciidanka gaarka u tababaran ee Danab oo ay Dowladda Imaaraadka Carabta gacan ka geysatay tababarkooda.

Goobjoog News