U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socda Sudan

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke, ayaa kulan la qaatay wafdi ka socda dawladda Sudan oo hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudan Bahar Idris Abu Garda, Wasiiru Dawlaha Arrimaha Dibedda Sudan Kamal Ismail iyo masuuliyiin kale, waxana ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhexeeya labada dal, isagoo soo gaarsiiyey Ra’iisul Wasaaraha Dhambaal uu ka sidey Madaxweynaha Sudan Mudane Cumar Xasan Al-bashiir.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in manta ay noogu yimaadeen Magaalada Muqdisho wafdi ka socda Sudan, kuwaas noo haya niyad wanaag iyagoona dadka Soomaaliyeed marxalad kasta oo soo martay 25 sano ee soo dhaafay ay la qaybsanayeen oo ay garab istaagnayeen, waxaana naga dhaxeya walaatinmo iyo islaantinimo, waxay u yimaadeen Soomaaliya inay idhahooda ku arkaan horumarka ka jira dalka , waana idinku soo dhaweynaynaa Soomaaliya”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsadey inuu salaan iyo mahadnaq ka gaarsiiyo Madaxweyne Cumar Xasan Al-bashiir iyo shacabka Sudan sida ay mar walba u garab taagan yihiin Soomaaliya. Kulanka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale looga hadlay Arrimaha Iskaashiga Caafimaadka labada dal.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Wasiirka Caafimaadka Sudane Sayid Bahar Idiris ayaa uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha soo dhaweynta loogu sameeyey Soomaaliya, wuxuna tilmaamay in dalkiisu sii xoojin doonto taageerada ay la garab taagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya, Wasiirka Caafimaadka iyo Wasiiru dawlaha Arrimaha Dibedda.

15 14 13 12 11

—-DHAMMAAD—-