U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar “ Cabdi Xaaji Goobdoon Waxa Uu Ahaa Tiir Ay Tabi Doonaan Guud Ahaan Dadka Soomaaliyeed”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa tacsi u diray shacabka, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyooday Ruug-cadaagii Saxaafadeed Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon oo ahaa La-taliyaha R/Wasaaraha ee Arrimaha Saxaafadda, sidoo kalana ahaa shaqsi kaalin weyn ka soo qaatey saxaafadda Soomaaliya.

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu ka baxay ummada Soomaaliyeed oo dhan, cid walbana way garaneysaa kaalintii iyo shaqadii wanaagsaneyd ee uu dalkan u soo qabtey intii uu noolaa. Marxuumka Ilaahay Jannatul Fardowsa ha ka waraabi yo, qoyskiisa, ehelkiisa iyo shacabka Soomaaliyeedna, samir iyo iimaan Allah ka siiyo’’, ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa waxa uu marxuumka ku sifeeyey tiir ka baxay guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu ahaa weriye ruug caadaya oo taariikh ma guurto ah kaga tegay Soomaaliya, tusaale iyo ku dayasho wanaagsana u ahaa dhamaan Bahda Saxaafada meel walba oo ay joogaan. Marxuumka ayaa xaley saqdii dhexe ku geeriyooday Isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia