U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid “Ahmiyadda Ugu Horeysa Ee Xukuumada Aan Dhisayo Waa Tayeenta Ciidanka” (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidRa’iisul wasaaraha xukuumada Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali ayaa sheegay in xukuumada uu dhisayo ay xooga saari doonto tayeenta ciidamada dowladda, gaar ahaan in ahmiyad gaar ah la siiyo ciidamada xooga dalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidamada ay yihiin laf dhabarta dalka, islamarkaana shaqo walba oo la bilaabayo ay muhiim u tahay in iyaga laga soo bilaabo.

Ra’iisul wasaaraha ayaa tilmaamay in uu ku haminayo dalka oo dhan markii la gaaro Sanadka 2016 in ay yeeshaan ciidan mid ah oo xooga dalka ah, meeshana ay ka baxdo ciidamo maamulo kala hoostagaya.

“Ahmiyadeeda Koowaad, Labaad iyo Seddaxaad waa ciidamada, dalka idinka ayaa laf dhabar u ah, waxaan rabnaa markii Sanadka 2016-ka doorashada loo dareero in dalka ay u joogaan ciidamo mid ah oo aan lahayn, Jubbalanad, Puntland ama wax la mid ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday ciidamadii tababarada loogu qaadi jiray dalka dibadiisa, waxaana uu tilmaamay in uljeedka wadamada ciidamadaasi soo tababarayay ahayn in ciidan Soomaaliyeed ay soo dhisaan balse ay ahayd oo kaliya qarashaad in ay helaan oo danahooda eegan jireen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News