U bood dhigaalka

Ra'iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid “Dagaallada Ku Soo Noq Noqday Deefow Iyo Deegaanada Ku Xeeran Xarar-dheere Waa Kuwo Aan Loo Qiil Dayi Karin” (War-saxaafadeed)

Sheeko:Dalka

Ra'iisuRa’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke, ayaa ku baaqay in deg deg loo joojiyo dagaallada ku soo noq noqday qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan iyo deegaano hoostaga degmada Xarar-dheere, kuwaas oo ay ka dhasheen khasaarooyin kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay dagaalladaas kuwo nasiib darro ah oo xiligan ay dadka Soomaaliyeed ka soo kabanayaan colaadaha, iyagoo u jihaystay dhanka nabad ku wada noolaan shaha.

“Maanta goballada dalka waxaa ka socda shirar isugu jira dib-u-heshiisiin iyo dhismaha maamullada gobollada, waa nasiib darro in taas ay bar-bar socoto dagaal beeleedyo dhaawici kar kalsoonida shacabka wada dagan, waxayna abuuri kartaa xasillooni darro kusoo kororta deegaanka. Waxaan ku baaqayaa in miiska wada xaajoodka laysugu yimaado, lagana waantoobo in dagaaladaas sii socdaan, dowladduna waxay qaadaysaa tallaabo kasta oo lagu xakamayn karo colaadahaas soo noq noqday” ayuu yiri Mudane Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in dagaallada iyo khilaafyadu ay soo kordhinayaan oo kaliya barakac, xasilooni darro iyo maatada oo ku dhimata. “Waxaan kula talinayaa qaybaha dagaalladu ka dhexeeyaan in ay si dhaqsa ah u joojiyaan iyagoo fiirinaya qasaaraha ka dhalan kara dagaaladaas” ayuu yiri RW.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ugu dambayntii baaq u diray waxgaradka ka soo jeeda deegaanadaas in ay wadahadal ku dhameeyaan colaadda isna cafiyaan si loo helo xal iyo nabad ku wada noolaasho dhex marta dadka soomaaliyeed ee walaalaha ah.

—DHAMAAD—