U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Ku Wajahan Magaalada Gaalkacyo , Lana Kulmaya Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa la filayaa in uu gaaro magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, isaga oo kasoo amba baxaya magaalada Garoowe.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha uu safar dhanka dhulka ah kaga soo amba baxayo magaalada Garoowe, iyada oo loo diyaar garoobayo soo dhaweyntiisa.

Wariyayaasheena ku sugan Xarunta Goobjoog ee magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in ammaanka magaaladaasi aad loo adkeeyay, shacabkana ay yihiin kuwo u diyaarsan soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha.

Wadooyinka magaalada Gaalkacyo ayaa lagu arkayaa ciidamo dheeraad ah oo amniga magaalada xaqiijinaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News