U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Loogu Baaqay Wax Ka Qabashada Soomaalida Ku Dhiban Xabsiyada Caalamka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Axmed-diiriyeOdayaasha dhaqanka ee magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sahrmaarke in uu wax ka qabto dhibaatooyinka lagu hayo dadka Soomaaliyeed ee maxaabiista ku ah qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Afhayeenka Odayaashaan Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in ay jiraan Soomaali aad u badan oo xir xiran sanadooyin kuwaa oo ilaa hadda aan dowlad Soomaaliyeed ka helin in ay u gurmato.

Nabadoon Axmed Diiriye ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid ay horyaalaan shaqooyin badan, una baahan wax qabad dhab ah.

“Waxaa looga baahan yahay dadaal badan, cadaalad ayaa laga doonayaa, Soomaali badan ayaa dalka dibadiisa ku xiran in uu soo daayo oo wax u qabto ayaa laga rabaa”

Dhanka kale Nabadoonka ayaa ka waxgarad ahaan cabiray aragtida ku aadan Ra’iisul wasaaraha cusub iyo waxqabadkiisa, isaga oo rajo ka muujiyay in wax badan ay u suurta galaan oo ugu horeyso in meesha uu ka saaro is qab qabsiga siyaasadeed ee dalka ka jira.

Halkaan Hoose Ka dhageyso.

Goobjoog News