U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Shacabka Soomaaliyeed Ugu Hambalyeeyay 26-ka Juun

Sheeko:Dalka

Muqdisho, 26, June, 2015…Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarka ayaa hambaylo ku aadan 26, Juun, 1960-kii oo ahayd maalintii ugu horaysay oo calan laga taago ciida Soomaalliya u diraya dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, wuxuuna si gooni ah ugu hambalyeeynayaa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo u taagan ilaalinta xoriyadda iyo difaaca dalkooda.

Maanta oo kale 26 juun sanad kasta waxaa loo dabaal degaa maalintaan qiimaha badan ee xoriyadda, waxaana shacabka Soomaaliyeed ku soo dhaweeyaan farxada iyo damaashaadyo loo sameeyo maalinta xoriyada, waa maalin xasuus mudan, waana maalintii ay gobolad Waqooyi xoriyadda ka qaateen gumaystihii Ingiriiska.

“Maanta waxaan qirayaa in halgankii loogu jiray xornimadda mudo sanado ah in ay ku nafwaayeen iyagoon hananin xoriyadda dhalin yaro badan oo u istaagtay xoriyadda oo qayb ka ahaa ururadii gobonimo doonka, muwaadiniin kale ayaa u huray maalkooda iyo naftooda in ay uga qayb qaataan raadinta xoriyadda oo maanta ah geedka aan harsanayno, qaar kale ayaa xili dheer noloshooda ku qaatay xabsiyo ay dhigeen gumaystihii dalka haystay, maanta waxaa qadarin mudan inaan u ducayno dhamaan kuwii xornimadaan keenay oo isugu jiray Rag iyo Dumar Soomaaliyeed oo ka dhiidhiyey dhibaatooyinka gumaystuhu ku hayey” ayuu yiri RW Cumar

“Maanta dalkeenu wuxuu u baahan yahay in mar labaad u istaagno sidii aan uga dulqaadi lahayn nabadiidka muwaadiniinta aysan u suurtoobayn caawo oo kale iney u dabaal dagaan maalintaan qiimaha badan, Waana inaan maskaxda iyo qalbiga ku haynaa geesiyaashii u dagaalamay in Soomaaliya ay noqoto wadan xor ah. Waxaa sidoo kale na looga baahan yahay inaan diirada saarnaa sidii shacabka Soomaaliyeed laysugu soo dhaweyn lahaa iyadoo loo marayo is faham cidii wax kala tabanaysa” ayuu yiri RW Cumar.

Ugu danbayntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in horumar laga sameeyey dhanka siyaasadda, Amniga, Dhaqaalaha, Dhisida maamul goboleedyada iyo hada oo xukuumaddu ku howlan tahay yagleelida ciidan qaran oo uu dalku yeesho, waxaa sidoo kale RW sheegay in xukuumadiisa ay u qorshaysan tahay ka dhabaynta higsiga 2016, taas oo Soomaaliya lagu gaarsiinayo doorashooyin xorr ah oo xalaal ah iney ka dhacaan.

—-DHAMAAD—

Waaxda Warfaafinta Xafiiska RW
Muqdisho, Soomaaliya