U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo Sheegay In Al-shabaab Dalka Laga Saarayo Ka Hor Sanadka 2016 (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Cumar CabdirishiidRa’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in kahor sanadka 2016 Al-shabaab ay ka saari doonaan guud ahaan dalka.

Waxa uu sheegay in xukuumad tayo leh uu soo dhisayo, taa oo wax ka qabata xaaladda guud ee dalka, oo ay ugu horeyso la dagaalanka Al-shabaab iyo arimaha kale ee dalka.

“Waxaa jira waxyaabo badan oo u baahan in aynu dar dar gelino, sida amaanka, Al-shabaa oo laga saaro meelaha dalka ay ka joogaan, dalkana la gaarsiiyo doorasho xur ah” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Nidaamka Federaalka ayuu sheegay in ay tahay awooda oo shacabka tagta, iyaga oo soo doorta cid walba oo ay u arkaan in dalka ay wax ka qaban karto ama deegaanka waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa laga filayaa in uu soo dhiso xukuumad cusub, taasi oo hortaala shaqooyin badan oo u baahan wax qabad, iyadoo mudada u hartay ay tahay mid kooban.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News