U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Oo Ka Warbixiyay Shirkii Uu Kaga Soo Qeybgalay Belgium

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali oo dib ugu soo laabtay dalka ayaa ka warbixiyay shir uu dalka Belgium kaga soo qeybgalay, kaasi oo looga hadlayay xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Kenya.

Ra’iisul wasaaraha oo la hadlayay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in shirkaasi uu kusoo dhamaaday guul, islamarkaana waxa uu tilmaamay in lagu yaboohay lacag dhan 100 Milyan doolar oo qeyb ka ah 500 Milyan doolar oo la doonayo in lagu soo raro qaxootigaasi.

“Waxaan Belgium u tagnay shirkii lacagta loogu uruurinayay qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya deggan, waxaa la yaboohay lacag dhan 100 Milyan oo qeyb ka ah 500 Milyan oo la doonayo in qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya dib loogu soo celiyay, annaga mar walba waxaan taabacsannahay shirkii Seddax geesoodka ahaa ee dowladda Soomaaliya, dowladda Kenya iyo UNHCR , kaasi oo sheegaya in qaxootiga Soomaaliyeed aan la qoor qaban oo si iskooda ah ku laabtaan, qorshaha hadda meesha ka jiro waa Afar Sano” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Ra’iisul wasaaraha ayaa mar la weydiiyay waxa ay ka yeelayaan qaxootiga ku sugan Kenya ee hadana hamigoodu yahay in dalalka Yurub aadaan ayuu sheegay in dalka ay ka sameyn doonaa wax walba oo suuta gelinaya in aysan dadka u cararin wadamo shisheeye.

“Annaga dowlad ahaan waxa weeye in halkaan aan ka sameyno waxa umaddaan ka raraaya dalka oo geynaya Yurub, waxaan rabnaa in waxa halkaasi dadka u jiidaya inaan keenno, waliba dadka Soomaaliyeed ma ahan waxaan rabnaa in dadka kale xitaa ay dalka usoo shaqo doontaan” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Cumar.

Magaalada Brussels waxaa dhawaan kusoo gabagaboobay shir ballaaran oo looga hadlayay xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya iyo sida laga yeeli lahaa daabulistooda, iyadoo halkaasi looga yaboohan lacag ka badan 1 Milyan oo doolar.

Goobjoog News