U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Iyo Madaxda Puntland Iyo Galmudug Oo Muqdisho Yimid

Sheeko:Dalka

Magaalada Muqdisho waxaa maanta dib ugu soo laabtay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ay la socdaan madaxweynayaasha maamullada Puntland iyo Galmudug State.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmahaan dambe ku maqnaa magaalada Gaalkacyo oo uu kusoo heshiisiinayay maamullada Puntland iyo Galmudug, ka dib markii ay ku dagaallameen magaalada Gaalkacyo.

Mas’uuliyiintan waxaa magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Wasiirro, xildhibanno iyo siyaasiyiin qaarkood horay dalka xilal uga soo qabtay.

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Gaas iyo Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la sheegay in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen sidii ay uga qeybgali lahaayeen shirka madasha qaran ee doorashada 2016-ka.

Shirkaan ayaa looga arrinsan doonaa nuuca ay noqon doonto doorasho dalka ka dhacda sanadka 2016-ka, xilli shacabka ku dhaqan gobalada dalka qaarkood ay ka aragti dhiibteen nooca doorashada noqon karto, inkastoo ay kala aragti duwanaayeen.

Goobjoog News