U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Iyo Mas’uuliyiin Kale Oo Magaalada Muqdisho Kusoo Dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumaar C/rashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo mas’uuliyiin kale ayaa maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxay kusoo dhoweeyeen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo arrimo caafimaad u jiray dalka India.

Madaxweyne Guuleed ayaa soo dhoweyn kadib u mahadceliyey dhammaan madaxdii soo dhaweysay, wuxuuna sheegay in xaaladdiisa caafimaad ay  haatan tahay mid aad u wanaagsan.

Mr Guuleed ayaa dalka India u tagey arrimo caafimaad, waxaana lagu soo sameeyay qalliin dhanka wadnaha ah.

Waxa uu Madaxweynaha Galmudug ku biiri doonaa madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku shirsan magaalada Muqdisho.

Goobjoog News