U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar “Jeneraal Goobaale Wuxuu Ahaa Shaqsi u Adeegayay Qaranka, Kuna Baxay Gacanta Cadowga”

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay weerarkii Ismiidaaminta ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu dilay Jeneraal Maxamed Rooble Jimcaale Goobaale oo ahaa taliyaha Guutada Saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

War-saxaafadeed kasoo baxay xfaiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Jeneraalka Goobaale ahaa shaqsi u adeegi jiray qaranka Soomaaliyeed, wax badanna lagu xusuusan doono.

War-saxaafadeedka ayaa sidan u qornaa:-

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii bahalnimo ee maanta lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale. Wuxuna Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuum iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.”

Dhammaad