U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cadaado U Tegay Xallinta Dagaalka Gaalkacyo(SAWIRRO)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa galabta gaaray magaalada Cadaado ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ee Cadaado waxaa Raysal wasaare Sharmaarke ku soo dhoweeyay madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, ku xigeenkiisa Maxamed Xaashi Cabdi, saraakiil ciidan iyo wasiiro ka tirsan maamulka Galmudug.

Ra’iisul wasaare Sharmaarke ayaa sheegay in magaalada Cadaado uu u gaaray sidii loo xalin lahaa colaadda ka soo cusboonaatay magaalada Gaalkacyo dhankeeda galbeed.

Wuxuu sheegay Cumar Cabdirashiid in ujeedka socdaalkiisa magaalada Cadaado inuu yahay sidii loo soo afjari lahaa colaadaha magaalada Gaalkacyo islamarkaana loo dedejin lahaa sidii loo dhaqan gelin lahaa heshiiskii Galmudug iyo Puntland ee sanadkii 2015 bishii September ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

“Waan ku faraxsanahay inaan maanta soo gaaro magaalada Cadaado, socdaalkayga wuxuu ku qotamaa sidii loo xalin lahaa colaadaha ka jira dhulkani gaar ahaan magaalada Gaalkacyo nawaaxigeeda, waxaana muhiim ah in laga fogaado wax kasta oo keeni colaad iyo dhib labada maamul ee Galmudug iyo Puntlandna ay miiska wada hadalka fariistaan” ayuu yiri wasiirka koowaad ee xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin sidii loo xalin lahaa dagaallada Gaalkacyo.

“Ra’iisul wasaare ku soo dhowaaw Cadaado waan ku faraxsannahay inaad inoo timaado, waana ka xunnahay colaadda Gaalkacyo intii dhimatay Ilaahey ha u naxariisto intii dhaawacantay Ilaahey ha caafiyo dadka ku barakacayna waan ka xunnahay” ayuu yiri Madaxweyne Guuleed.

Kulamo ayaa qorshaha uu yahay in madaxtooyada magaalada Cadaado ay ku dhexmaraan Raysal wasaaraha iyo madaxda Galmudug intaas kadibna Ra’iisul wasaare Sharmaarke wuxuu u dhoofi doonaa magaalada Garoowe halkaasoo uu kulamo kula soo qaadan doono madaxda Puntland.

Hoos ka daawo sawirrada:

rw-sharmaarke-cadaado-5

rw-sharmaarke-cadaado-4

rw-sharmaarke-cadaado-3rw-sharmaarke-cadaado-1

rw-sharmaarke-cadaado-2

rw-sharmaarke-cadaado-9

rw-sharmaarke-cadaado-9

rw-sharmaarke-cadaado-8

rw-sharmaarke-cadaado-7

rw-sharmaarke-cadaado-6

Goobjoog News