U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Weerarkii Al-shabaab Ee Ceelcadde

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si adag u cambaareeyey weerarkii Al-shabaab ay ku qaadeen fariisin ay Ciidamadda AMISOM ee ka socda dalka Kenya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliya ku lahaayeen magaalada Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

“Waxaan tacsi u dirayaa ehelada askartii naftooda ku waayay weerarkii Ceel-Cadde, shacabka iyo Jamhuuriyadda Kenya, ciidanka AMISOM waxa ay Soomaaliya u joogaan dib u soo celinta xasiloonida iyo nabad ku soo dabaalidda guud ahaan dalka” ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa tilmaamay weerarada ay geysanayaan Al-shabaab in Soomaaliya aysan ka weecin doonin horumarka ay gaareyso, isagoo xusay in guud ahaan dalka laga sifeyn doono waqti dhow Al-shabaab.

“Sida muuqata argagixisada waxaa saaran culeys weyn, iyagoo laga saarayo goobihii ay dhuumaaleysiga ku joogeen, taasoo ka dhalatay hawlgallada millateri ee sida wanaagsan u qorsheysan iyo guulaha ay ka gaareen ciidamada xoogga dalka iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM. Sidaa awgeed Al-shabaab waa naf la caari doonaya inay dalkeena dhibaatooyin ka abuuraan” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ra’iisul Wasaare Sharmaarke.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia