U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Cambaareeyay Weerarkii Shalay Ee Hotel Jazeera

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii shalay lagu qaaday Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho, kaasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad halkaasi ka dhawaa.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa sidaan u qornaa:-

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa si kulul u cambaareeyey weerarkii shalay lagu qaaday Hotel Jazeera ee magaalada Muqdisho, isagoo tilmaamay weerarkaasi inuu ahaa mid la rabay in lagu wiiqo horumarka iyo dib usoo kabashada dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana ahaa mid ka baxsan dhammaan dhaqanka diinta Islaamka iyo damiirka bani aadantinimada.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in weerarada noocan ah ee lagu bartilmaameed-sanayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan uu marqaati u yahay fekerka khaldan ee argagixisada, waxuna shacabka ugu baaqay in ay u midoobaan sidii loo dhammeystiri lahaa haraadiga cadowga diidan jiritaankooda.

“Falkii Argagixiso ee lagu qaaday Hotel Jazeera wuxuu mar kale cadeeyey sida ay kooxdan waqtigeedu sii dhamaanayo uga go’an tahay daadinta dhiigga dadkeena qiimaha badan, laguna hakinayo nabadda iyo horumarka aan maanta haysano, waxaan u sheegayaa argagixisada weerarada noocan ah in marnaba aysan qaranka Soomaaliyeed ka leexin doonin waddada horumarka iyo dawladnimada”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid ayaa xusay in Ciidamadda Soomaaliyeed iyo walaalahooda AMISOM ay gobollada dalka ka wadaan howlgallo ballaaran oo Al-shabaab lagula dagaallayo, guulna laga gaaray, dhawaana laga sifayn doono deegaanada kooban ee ay ku sugan yihiin.

Ugu danbeyn, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa tacsi u diray qaysaskii iyo saaxiibbaddii dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay weerarkan ka dhacay Hotelka Jazeera.

—-DHAMMAAD—-
Ahmed-nur Mohamed