U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Dowladaha Deriska Uga Digey Farogelinta Doorashada Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, kana mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, ayaa isaga oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho waxa uu sheegay iney jirto farogelin shisheeye oo ka imaaneysa dowladaha deriska la ah Soomaaliya, taas oo lagu sameynayo doorashada 8-da bishan lagu wado in dalka ay ka dhacdo.

Sharmaarke oo ka gaabsaday inuu sheego dowladaha uu ku eedeynayo iney farogelinayaan doorashada ayaa hadana sheegay in maamullada qaar lagu maquuninayo in shaqsi gaar ah ay codka siiyaan xildhibaannada deegaannadooda laga soo doorto, taasi oo uu sheegay iney dhib ku noqoneyso in Soomaaliya ay ka baxdo gumeysiga dadbadan.

“Waxaa jirta hadda culeyso iyo farogelin ka imaanaya dowladaha deriska ah qaarkood, marka waxaan rabnaa runtii in iyaguna naga dhaxeyso qadarin iyo imtixaan, inaan is qadarrinno is ixtiraanno, Soomaalidana u madax bannaanaato aayaheeda, waan aaminsanahay in baarlamaanka Soomaaliyeed in taasi isagu u madax bannaayahay inuu soo dhiso dowladda iyo dadkii ay u arkaan in dalkaan ay daadaheen karaan, Soomaaliya waa run weli amnigeeda ayaa gacan laga siiyaa, AMISOM ayaa joogta, waan rajeynayaa Insha Allah in arrintaasi dhaqso uga baxno oo ciidan qaranna dhisno” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha.

Dowladaha deriska qaar ayaa Soomaaliya ka caawiya dhanka ammaanka oo waxaa jira dowlado ay ciidamo ka joogaan dalkan, kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM, waxaana isaga oo Ra’iisul wasaaraha is tusinaya ahmiyadda dowladda dhexe u leedahay in amniga laga garabsiiyo si looga hortago falalka amni darri ayuu hadane sheegay in Soomaaliya aan looga faa’ideysan arrintaan oo aan lagu farogelin siyaasadda iyo dantooda gaarka ah.

“Amniga gacanta nalaga siinaya in nalooga  faa’ideysto oo ajendooyin siyaasadeed iyo musharrax gaar ah culeys loo saaro dowlad goboleedyada waxay tahay arrin aaney fiicneyn, waxaan ka codsaneynaa in dowladahan deriska ah ay faraha kala baxaan oo ay noqdaan dad qadarin iyo ixtiraam ay inaga dhaxeyso, annagane waxaan ku dadaaleynaa inaan aayaheenna ka tashanno”

8-da February, ayaa lagu wadaa in la doorto madaxweynaha Soomaaliya ee dalkaan hoggaamin doona 4-ta sano ee soo aadan, waxaana u tartamaya xilkaan 24 musharrax.

Goobjoog News