U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ka Hadlay Sababta Loo Qaban Waayey Doorasho Qof Iyo Cod Ah

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa ka hadlay sababta dalka ay uga dhici weysay doorasho qof iyo cod ah.

Waxa uu sheegay in xukuumaddiisa ay dadaal xooggan ku bixisay sidii dalka doorasho uga dhici lahayd, balse markii la eegay waxyaabo badan aysan suurta gal noqon.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul wasaaraha in doorasho qof iyo cod ah ay waxyaabo badan oo ka mid ah tirakoobka dadka, diiwaangelintooda iyo arrimo kale ay u baahan tahay, xilligaan la joogana aanay taa suurta gal ahayn.

Sidoo kale waxa uu sheegay Ra’iisul wasaare Cumar in iminka lagu howlan yahay sidii wasaaradda arrimaha gudaha iyo guddiga doorashooyinka heer qaran ay u wada hirgelin lahaayeen doorasho cod iyo qof oo sanadka 2020-ka dalka laga hirgeliyo.

Sanadkaan 2016 waxaa la filayaa in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban, iyadoo sanadka 2020 la filayo in ay dhacdo doorasho qof iyo cod ah.

Goobjoog News