U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ku Dhawaaqay Inuu Yahay Musharax Madaxweyne

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweyne Sanadkaan 2016.

Waxa uu sheegay Sharmaarke in haddii uu ku guuleysto xilkaan uu wax badan ka qaban doono marxaladda dalka ee iminka uu marayo, wuxuuna tilmaamay in mudadii ay shaqeynaysay xukuumaddiisa shaqo badan ay qabatay, haatanna haddii uu guuleysto shaqada halkeeda kasii wadi doono.

“Waxaa lasoo gaaray madasha tan waqtigii ugu dambeysay, annaga intii aan xukunka joognay ee Sanadka iyo barka ahaa waxaan kasoo tallaabsanay arrimo aad iyo aaad xasaasi u ahaa una baahnaa in looga tallaabsado deganaansho iyo xasilooni siyaasadeed, waxaan rabaa inaan maanta caddeeyo inaan musharrax u ahay kursiga Madaxweynenimo ee 2016, doorashada dalka ka dhici doonta”

“Dalka wuxuu u baahan yahay in la dhameystiro waxyaabaha hadda qabyada ah Dastuur ha ahaado,  amniga, ama arrimaha kale ee dhaqaalaha iyo waxbarashada si dalkaan u noqdo mid addunka daneeya inay maalgashato, timaado, gaarana horumar taabo gal ah, waddankaan wuxuu soo  maray dhibaatooyin badan, marbo mid baa taagnaa, Sanad iyo Barkii ee aan xukuumadda haynay buug baan ka daabacnay wixii ay qabatay, waxaan rabaa inaan idiin sheego in 4-ta sano ay soo socoto in umadda Soomaaaliyeed u baahan tahay xasilooni siyaasadeed iyo mid amni in lagu taabogeliyo waxyaabaha harsan ee dalka loo baaahan yahay 2020 in la gaaro doorasho qof iyo cod ah”

“Haddii is qabqabsi iyo dhib kale yimaado waxay noqoneysaa in waxyaabaha qaarkood laga gaabiyo, dalkan wuxuu u baahan yahay wadar ogol wax la dhaho yacni in dadka Soomaaliyeed la isku wado si ay furo ugu noqoto amni astaan qaran  leh oo dalkaan hanta, uga maaranno ciidamada shisheeye ee dalka jooga, amniga waa la sameyn karaa laakiinse mar walbo waxaa muhiim ah in dalkaan siyaasaddiisa xasiloontahay, in waxa la isla qaadayo tahay wadar ogol si loo helo amni buuxa, dhallinyarada Soomaaliyeed ee marna badaha aadaya marna xagjirka in loo furo fursad oo runtii mustaqbalkooda ka dhex arkaan dalka gudahiisa” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Sharmaarke.

Waxaa jira musharraxiin dhowr ah oo u taagan qabashada xilka madaxweyne ee 2016, iyadoo shalay ay ugu dambeysay uu musharraxiinta kusoo biiray Safiirkii hore ee Soomaaliya u fadhin jiray Kenya Maxamed Cali  Ameeriko.

Taariikhda Cumar Cabdirashid Sharma’arke

Cumar Cabdirashid Sharma’arke waa wiilka Madaxweynihii  2aad ee Soomaaliya Cabdirashid Sharma’arke kaas oo la dilay 1969-kii  iyo jeer ra’isul wasaare.

Sharma’arke waxaa uu Muqdisho ku dhashay 1960-kii, isla magaaladan ayuu ku qaatay waxbarashadiisa isagoo ka baxay B.A. in economics Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed, kadib waxaa uu aaday dalka Canada isagoo halkaas ka dhameeyay Carleton University ee Ottawa, Canada, kana qaatay  B.A. in political science iyo  M.A. in political economics.

Sharma’arke waxaa uu ka soo shaqeeyay qaramada Midoobey isagoo howlo ka qabtay Sri Lanka, Sierra Leone iyo gobolka  Darfur ee dalka Suudaan.

Cabdirashid waxaa uu sidoo kale noqday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Mareykanka isagoo warqadihiisa gudbiyay July 14, 2014, waa markii ugu horeysay ee Soomaaliya ay dalkaas safaarad ku yeelato wax ka badan 20 sano.

Cumar Cabdirashid waxaa lajo jeer noqday ra’isul wasaare, markii hore waxaa loo magacaabay February 13, 2009, labo todobaad markii ay jirtay dowladda Sheekh Sharif, muddo kadib waxaa ay isku dhaceen madaxeyne Sharif, xukuumadiisa waxaa lagu eedeeyay waxmatarenimo taas oo keentay in uu is casilo September 21, 2010.

Dowladda hadda jirta ee Xasan Sheekh waxaa uu noqday ra’isul wasaarihii 3aad ee ay yeelato, waxaa ra’isul wasaare loo  magacaabay  December 17, 2014, jagadaas uu ilaa iyo hadda haayo.

September 05, 2016: Waxaa uu isu soo taagay xilka madaxweynaha dalka.

 

Goobjoog News