U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Ku Wajahan Degmada Dhuusamareeb

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta la filayaa inuu tago degmada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wariyaha Goobjoog ee degmada Dhuusamareeb C/weli Tooxow ayaa soo sheegaya in degmadaasi uu ka socdo diyaar garow ballaaran kuna saabsan soo dhaweynta Ra’iisul wasaaraha.

Ammaanka guud ee degmada Dhuusamareeb ayaa ah mid aad loo adkeeyay, iyadoo safarka Ra’iisul wasaaraha ee degmadaasi Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka mid ah maamulka Ahlu-sunna.

Weli lama faah faahin ulajeedka rasmiga ah ee Ra’iisul wasaare Cumar u tagayo degmadaasi, hase ahaatee waxaa xusid mudan in Ahlu-sunna ay kasoo horjeeddo maamulka Galmudug State.

Ciidamada Itoobiya ayaa magaalada Dhuusamareeb bannaanka ka ilaalinaya halka amniga gudahana ay sugayaan kuwa Ahlu-sunna.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News