U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Afrika Ee UK

Sheeko:Dalka

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke maanta safaaradda UK ee Muqdisho kulan kula qaatay Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood iyagoo ka wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin xiriirka Soomaliya iyo UK, arrimaha amniga, xasilinta, iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona sanadkan 2016.

Kulankaan oo shalay dhacay ayaa Ra’iisal wasaare Sharmaarke waxa uu warbaxin ka siiyay xaalada dalka uumarayo wasiirka arrimaha Afrika ee UK, waxa uunan sidoo kale uga mahadceliyay muuhimada UK ay siineyso dib u dhiska Soomaaliya iyo taageerida dowladda.

“Xukuumadda Soomaaliya waxey diiradda saartay arrimaha amniga iyo xasilinta dalka si loo suurtageliyo doorasho dalka ka dhacda sannadkan 2016, waxaan UK uga mahadcelinayaa in ay hormuud ka tahay dadaalka Soomaaliya lagu xasilinayo; xukuumadda waxaa ka go’an in dalka ay ka dhacdo doorasho xur ah islamaarkaan dadka Soomaaliyeed gaarsiisa xasilooni siyaasadeed iyo dimuqraadiyad waarta” ayuu yiri R.wasaaraha oo ka hadlayay kulanka.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay in qorshaha dowladda ay ka mid tahay dib u heshiisiinta si amniga dalka uu u sugnaado, Sidoo kale Wasiirka arrimaha Afrika ee UK Tobias Ellwood ayaa bogaadiyay dadaalka Xukuumadda ay ugu jirto xasilinta dalka islamarkaana UK ay dooneyso in horumarka ballaaran ee laga sameeyay amniga iyo xasilinta ay noqdaan kuwa sii socda oo kooxaha argagaxisada loo diido fursad ay dhib ugu geystaan shacabka Soomaaliyeed.

—–DHAMAAD¬—–