U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Lagu Soo Dhoweeyay Garoowe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Gaas iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland ayaa Ra’iisul wasaaraha kusoo dhoweeyey Garoonka magaaladaasi.

Ra’iisul wasaare Cumar ayaa ka tagey magaalada Cadaado oo shalay lagu soo dhoweeyay, halkaasi oo uu kula soo kulmay madaxda maamulka Galmudug.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in Ra’iisul wasaaraha uu Puntland u tagey sidii lagu xallin lahaa dagaallada ka dhacay magaalada Gaalkacyo, islamarkaana u kala dabqaado Labada dhinac.

Wuxuu la kulmi doonaa Ra’iisul wasaaraha madaxda Puntland oo uu kala hadli doono arrinta Gaalkacyo iyo sidoo kale sidii loo damin lahaa colaadda Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News