U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Magaalada Baladweyne Kulamo Kala Duwan Kula Leh Waxgaradka Hiiraan Iyo Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baladweyne, xalayna ku hoyaday magaaladaasi ayaa wada kulamo gaar gaar ah oo uu la yeelanayo Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale qaar ka mid ah Ugaasyada kasoo jeedda gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxa uu habeenkii xalay ahaa Ra’iisul wasaaraha la kulmay qaar ka mid ah waxgaradkani, sidoo kalena maanta ayaa la filayaa in kuwo kale uu kulan la yeesho.

Ulajeedka kulamadani ayaa ah sidii Ra’iisul wasaare Cumar u dhageysan lahaa tabashada waxgaradkani, islamarkaana lagu soo afjari lahaa wax walbo oo ay tabanayaan.

Todobaad waxaa magaalada kusii sugnaa wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo halkaasi u tagay qancinta waxgaradkani.

Waxgaradka gobollada Shabellaha Dhexe iyo Hiiraan, kuna sugan magaalada Baladweyne ayaa aad u dhaliilsan nidaamka loo qeybiyay ka qeybgalka shirka Jowhar, halka qaarkoodna ay sheegayaan in shirkaasi aanu gacanta ugu jirin waxgaradka.

Markii ay kulamadaan soo gabagaboobaan ayaa la filayaa in lasoo saaro qodobada la’isku afgartay iyo sidoo kale waxa ay ku qancaan Odayaashan dhaqanka.

Ammaanka guud ee magaalada Baladweyne ayaa ah mid aad loo adkeeyay, waxaana magaalada lagu arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya.

Goobjoog News