U bood dhigaalka

Ra’iisul Wasaare Cumar Oo Odayaal Iyo Shacab Kula Kulmaya Magaalada Qardho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo wafti uu hoggaaminayo oo maalmahan hawlo shaqo u joogay Puntland ayaa booqasho ku tegay magaalada Qardho iyagoo ka jawaabaya casumaad uga timi Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed. Saraakiisha degmada, waxgarad, arday iyo haween ayaa si heer sare ah Ra’iisul Wasaaraha ugu soo dhoweeyey magaalada Qardho.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa dadkii ku soo dhoweeyey Qardho wuxuuu uga mahadceliyey sida weyn ee ay u soo dhoweeyeen isagoo sheegay in taasi ka tarjumeyso sida dadka reer Qardho ay u jecel yihiin Soomaalinimada iyo midnimada dalka.

“Waxaan mahad ballaaran u celinayaa dad weynaha sharafta badan ee reer Qardho ee ka kooban dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada ee maanta sida weyn halkan noogu soo dhoweeyey. Runtii soo dhoweyntan waxay muujinaysaa midnimo iyo sida aad u jeceshihiin in la adkeeyo wadajirkeenna. Booqashadan ma noqoneyso tii ugu danbaysay ee marar badan ayeynu isu soo noqon doonnaa”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaruhu

“Magaallada Qardho, waxay aniga ii leedahay taariikh gooni ah, inkastoo jaanis u helin inaan booqasho ku imaado waqtiyo hore, waxaan filayaa booqashadayda maanta in aan si wanaagsan ugu kala warqaadan doon”.

Ka dib markii Ra’iisul Wasaaruhu kulan gaaban la qaatay bulshada dhaqanka iyo Siyaasadda eek u sugan Qardho, iyadoo markii ay wada hadaladu u dhammaadeena wafdiga loo galbiyey madasha qada-sharafta loogu sameeyey xubnaha wafdiga ka socda dowladda dhexe.

Ugu danbayntiina, Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo khatimay munaasibadda qada-sharafta loo sameeyey Ra’iisul Wasaaruha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadka Soomaaliyeed Illaah uga baryey in uu quluubtooda mideeyo, waxan uu qaranka u rajeeyey nabad, midnimo iyo horumar ballaaran.

DHAMMAAD

Ahmed-nur Mohamed
Warbaahinta Xafiiska R.W

Q16 Q15 Q14 Q13 Q12 Q11 Q10 Q9 Q8 Q7 Q6 Q5 Q4 Q3 Q2 Q1